Farooole oo xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland

Thursday April 21, 2011 - 21:04:31
0 Comments
930
Super Admin
Farooole oo xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ayaa xil ka qaadis ku sameeyay gudoomiyihii gobolka Mudug iyo ku xigeenadiisa kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay kaa gabiyeen wax ka qabashada xaaladda amaan ee Woqooyiga Gaalkacyo.

Kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole ayaa waxaa uu xil ka qaadis ku sameeyey gudoomiyahii gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Axmed Cali Salaad Faarax iyo ku xigeenadiisi Beexaani kuwaasi oo uu ku eedeeyay wada shaqayn la’aan iyo waliba habacsanaan dhinaca amaanka ah.

Madaxweyne Faroole ayaa waxa uu sheegay in gudoomiyihii gobolka Mudug ee Puntland iyo ku xigeenadiisiba ay ku guul daraysteen wax ka qabashada xaaladda amaan ee gobolka Mudug oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen falal amaan dari ah.

C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole ayaa sidoo kale waxaa uu kala diray golahii Deegaanka ee gobolka Mudug, isagoo tilmaamay in kala diridda golahaasi uu wada tashi kala yeeshay Wasaaradda arimaha gudaha ee Maamulka Puntland.

Faroole ayaa waxaa uu sidoo kale la sheegay in u magacaabay guddi wax ka qabta amaanka iyo hagaajinta dhinaca Maamulka kuwaasi oo xiriir iskaashi oo dhinaca amniga ah la yeesha Maamulka Galmudug iyo Culumaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Woqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacayay falal amni daro oo isugu jira Qaraxyo, dilal qorshaysan iyo weeraro si bareer ah loogu qaadayay Masaajidada ku yaala Magaaladaasi taasi oo ay walaac xoogan ka muujiyeen shacabka ku dhaqan Woqooyiga Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

B.T. GLK.

Related Items


Leave a comment