Nin aad looga yaqaan magalada Galkio oo madax looga jiro oo mantay Dad ku laayey

Tuesday April 26, 2011 - 18:46:26
0 Comments
1182
Super Admin
Nin waalan oo dad ku laayay Magaalada Gaalkacyo
Nin la sheegay inuu qabay cudurka dhimirka ayaa maanta magaalada Gaalkacyo rasaas oodakaga qaaday dad ku sugnaa suuq ku yaal bariga Magaaladaasi.

Inta laga war hayo 2 qofood ayaa u dhimatay rasaastii uu furey ninka waalan iyadoo mid ka mid ah dadka uu isbitaalka ku dhintay markii dhaawca ahaan loo geeyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sababta rasaasta uu u furey ninka waalan ay ahayd markii uu muran soo kala dhexgalay isaga iyo kuwa dhintay mid ka mid ah.

Ciidamada Dowlada Puntland oo daqiiqado kadib soo gaaray goobta shilka ka dhacay ayaan bilaabay dhaq dhaqaaqyo ay doonayeen inay ku soo qabtaan ninkii dadka laayay walow la sheegay in madaxa looga jiro hadana wuxuu baxsaday markii uu falkaasi gaystay.

Dhacdooyinka nuucaasi oo kale ah way ku yar yihiin magaalada Gaalkacyo waxaase inta badan dadku maqlaan dilal qorsheysan oo qaab siyaasadeed uga dhaca magaaladaasi qeybaha ay u qeybsan tahay.

Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

www.Burtinletimes.com

Related Items


Leave a comment