Ciidanka Midawga Africa oo Hogaan cusub yeeshay;

Monday May 02, 2011 - 18:34:35
0 Comments
985
Super Admin
Amisom oo yeelatay taliye iyo afhayeen cusub
Maanta iyo shalay waxaa muqdisho ka kala dhacay labo munaabadood oo xilka ay ku kala wareegayeen taliyihii hore ee ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan iyo kan cusub sidoo kale ahayeen cusub ayaa soo gaaray magaalada.

Maanta waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad ay xilka ku kala wareegayeen afhayerenka cusub iyo kii hore waxaana afhayeenkii hore uu ku dheeraadaay ka hadalka wixii qabsoomay intii uu xilka hayay oo gaareysay 3 sano.

Afhayeenkii hore Barijiye Bahuko waxaa uu xilka ku wareejiyay afhayeenka cusub Baadhi Akundha islamaraana xilkaani hore soo qabtay gaar ahaan sanadkii 2007-dii.

Kabtan Badi Acunda waxaa la xasuustaa inuu ahaa afhayeenkii muqdisho la soo galay ciidamada Midowga Afrika markii ay 2007-dii dalka soo galayeen balse bilo yar kadib ayaa lagu badalay afhayeenka hada xilka wareejiyay barijiye bahuko oo soomaalidna u bixisay beenlow bahuuko.

Sidoo kale shalay ayay ahayd markii taliyihii hore ee askarta Amisom Major General Nathan Mugisha uu si rasmi ah ugu wareejiyay xilka taliyaha cusub fredrick mugisha ee dhawaan lagu badalay waxaana ka qeybgalay xafalada xil wareejinta madaxweyne shariif,gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamudu Axmed Nuru Tarsan iyo mas’uuliyiin kale .

Taliyaha cusub oo soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore waxayna hadalo kookoobanka jeediyeen munaasabada iyadoo taliyihii hore uu ka warbaxhsay howlgalka amisom halka uu marayo iyo wax ay qabteen.

Madaxweyne shariif ayaa u mahadceliyay taliyihii hore intii uu ka soo shaqeeyay Muqdisho waxaana uu sidoo kale dalka ku soo dhaweeyay taliyaha cusub.

Wixii war ah oo danbe kala xariir Isha wararka

Related Items


Leave a comment