Ciidanka Puntland oo lagala wareegay magalada GalGala;

Wednesday May 11, 2011 - 13:36:16
0 Comments
956
Super Admin
Ciidanka Puntland Oo Lagala Wareegay Degmada Galgala Ee Gobolka Bari,
Warar lagu kalsoonaan karo oo soo gaaraya warqabadka Burtinletimes ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Puntland lagala wareegay gacan ku heynta degmada Galgala ee gobolka Bari.

La wareegida gacan ku heynta degmada Galgala ayaa ka dambeysay kadib markii kooxo hubeysan oo la tuhunsan yahay in ay qeyb ka yihiin Al-shabaab ay weerar hubeysan xalay saqdii dambe ku soo qaadeen fariisimaha ugu waaweyn ee ciidamada Puntland ku lahaayeen degmada Galgala ee gobolka Bari.

Dagaalkii xalay oo ahaa mid gaadmo ah oo lagu qaadey ciidamada Puntland xilli ay ku sugnaayeen xerooyinkooda ayaa waxaa uu sababay dhimasho, dhaawac iyo khasaare maal, waxaana dagaalkaasi oo sii kululaaday uu sababay in ciidamada Puntland baneeyaan gudaha degmada Galgala.

Weerarka gaadmada ah ee lagu qaadey ciidanka Puntland iyo la wareegida degmada Galgala ayaa ku soo beegmaya xilli Madaxweynaha Puntland uu ku sugan yahay magaalada Boosaaso oo aan waxbadan u jirin degmada Galgala, waxaana haatan Madaxtooyada Boosaaso ka soconaya kulan deg deg ah oo ay leeyihiin Madaxweynaha Puntland iyo Saraakiisha Amniga Puntland.

Kala soco wararkeena dambe wixii ka soo baxa kulanka haatan ka socda Madaxtooyada Boosaaso.

www.Burtinletimes.com

ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment