M/ waynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane faroole oo Kenya ku wajahan;

Tuesday May 24, 2011 - 01:23:04
0 Comments
963
Super Admin
M/weynaha Puntland iyo xubno uu hogaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay u kicitimaan Kenya.
Wasiiru-dawlaha maamul-wanaaga mudane gaashaan oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in xubnaha m/weynaha uu hogaaminayo la filayo intaan la gaarin 25ka bishaan in ay gaarayaan magaalada neyropi ee dalka kenya si ay uga qeyb galaan kulanka q.midoobe u qabanayso madaxda maamulada dalka ka jira islamrkaana la isku dhaafsano afkaaro ku saleysan sida ay tahay in wax looga qabto xaalada murugada leh ee dalka ka.

Gashan ayaa sheegay in kulankaasi puntlaan waxa kaga aadan uu yahay sidii qudheeda looga gacan siin lahaa arimo dhowr ah oo degaanadeeda ka jira oo ay ka mdi tahay dhanka mashaariicda horumarineed ee degaanada puntland iyo in ay kala sinaato dhanka federaalka arimaha ku saabsan ka qeyb galka shirarka caalamiga ah iyo wax wada qeyb siga madaama horay taas ay labada dhinac isugu dhaceen.

Waxaa lala socdaan in puntland aanu jirin xiriir kala dhaxeeya dhanka federaalka islamrkaana dhowr jeer lagu kala booday kulamo dhex maray madaxda ugu sareysa labada dhinac islamrkaana arimo fara badan oo la isla soo qaaday ay puntland ku edeysan dhanka federaalka in ay ka soo bixi wayeen taasna ay keentay in ay iyana durba qaadatay go’aan ah in ay jartay guud’ahaanba xiriirki kala kala dhaxeeyay federaalka

Inkastoo kulankani uu yahay mid balaaran islamrkaan ay ka qeyb galayaan wajiyo kala duwan ayaa hadana tan la is weydiinayana ay tahay sida ay isaga hor imaan donaan madaama ay yihiin dhinacyo isku dan ah hadana kala aragtigti fog q.midoobese sidee bay ku xamili kartaa dhinacyadaa iyaga Ah.

Ilkadhagax@hotmail.com

Related Items


Leave a comment