Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Gobalka Mudug ee Dowlada Puntland oo Goor dhow la dilay

Wednesday June 08, 2011 - 01:24:14
0 Comments
2144
Super Admin
Xeer Ilaaliyihii Maxkamada Gobalka Mudug ee Dowlada Puntland oo Goor dhow la dilay
Goor dhow ayaa waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug lagu dilay Xeer ilaaliyihii Maxkamada Gobalka Mudug ee ee dowlada Puntland.

Xeer ilaaliyahaan oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Ow Muuse Geele ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo isla markaana ay dilkiisa ka danbeeyeen kooxo hubaysan oo dablay ah.

Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in aanan la garanaynin sababta ka danbaysay dilkaan iyo waliba cidii ka danbaysay dilka loo geestay xeer ilaaliyaha maxkamada Puntland ee gobalka Mudug.

Ma ahan markii ugu horaysay oo dil loo geesto xeer ilaaliye ka tirsan maxkamadaha Puntland, waxaana horay loo dilay xeer ilaaliyihii ka horeeyay Maxamuud Ow Geelle oo Caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo.

Dhamaan umada reer Galkkacyo oo arintaas aad uga xamaatay ayaa Fiidkii isku waraysanaayey sida xaal noqon doono iyo wax uu ku danbayn doono, iyadoo maamulka cusub uu balan qaday in uu wax ka qaban doono arimaha amaanka iyo waliba kuwa bulshada

Wixii war oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment