Madaxweyne Caalin Oo Kala Diray Golaha Wasiirada Gal-Mudug.

Monday June 27, 2011 - 17:59:27
1 Comments
1308
Super Admin
Galkacyo: Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Gal.mudug maxamed axmed caalim ayaa lagu kala Diray golihii wasiirada maamulka Gal mudug.
Madaxweyne Caalim ayaa wareegtadiisa ku shegay in Sababta loo kala diray golaha wasiirada ay tahay wax qabad la'aan iyo in ay ku fashilmeen soo celinta amaanka iyo dhaqalaha maamulkasi waxana kaloo wareegtadasi lagu shegay in ay Jirtay is qab qabsi xoogan oo u dhaxeeyay golaha wasiirada maalmihii tagay.

Waregtada uu ku saxiixna madaxweynaha maamulka galmduug maxamed axmed caalim ayaa lagu shegay in dhawan u Soo magacaabi doono gole wasiiro oo cusub kuwaso wax ka bedela marxalada maamulka galmudug.
isla wareegta kasoo baxday xafiiska maamulka gal mudug aya iyna shaqada looga cayriyay gudmiyihii iyo duqi magalada Galkacyo ee maamulka gobolk mudug ee galmdug kuwasoo iyaguna lagu edeeyay wax qabad l'aan.


Burtinletimes Galkacyo

Burtinletimes@gmail.com

Related Items

Comments


Leave a comment