Wasiir ku xigeenkii hore ee Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Cali Afgooye oo afur soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada London

Wednesday August 10, 2011 - 05:04:51
0 Comments
1070
Super Admin
Wasiir ku xigeenkii hore ee Isboortiga iyo Dhalinyarada mudane Cali Afgooye oo afur soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada London
Wasiir ku xigeenkii hore eeIsboortiga iyo Dhalinyarada mudane Cali Afgooye oo afur soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada London.

Waxaa lagu qabtey maqaayada Ramada oo ku taal xaafada Tottenham eegalbeedka magaalada London afur soo dhaweyn ah oo lagu soo dhaweynayay Wasiirkii hore ee Isboortiga iyo Dhalinyarada Dowlada Soomaaliya mudane Cali Afgooye oo dib ugu soo laabtey magaalada London.

Afurinta waxaa ka soo qayb galey qaarka tirsan bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee degan magaalada London qaybaheeda kale duwan,sida Axmed Nur Maxamed Xaashi ''Sayga Ruushka'' GudoomiyahaMideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed eeUK,Mudane Axmed Nuur Xasan CabdulleGudoomiyihii hore ee XSKC,MudaneMaxamed Ciise Cali - akaDigeeye Qabiir Isboorti taageerihii weynaa ee kooxda Jeenyo Ka Jeenyo (LLPP), Mudane Xasan Xuseen ciyaaryahan hore kubadda cagta dalka Soomaaliya kooxda Wagad iyo Qaranka, Shikh Cabdixaafid suxufikatirsan bahda Universal TV barnaamijkaarimaha bulshada,Mudane Danjire Mukhtaar iyo YusufMaxamedCabdi Yusuf (SSPAMEDIA),waxaana martiqaadkaN soo agaasimay Mudane Baana Cali Cabdalla Cali ahaana lataliyaha Wasaarada Isboortiga arimaha dibada.

Mudane Afgooye ayaa kaga mahadceliyay dadka ka soo qayb galey soo dhaweynta iyo dadkii soo qabanqaabiyay, islamarkaana soo xusuusiyay in isla maqaayadaan iyo fadhigaan oo kale inta uusan dalka aadin ay balamo iyo talooyinba uu ka qaatey bahweynta isboortiga Soomaaliyeed ee reer UK, caawana ay mar kale farxad weyn u tahey inay markale soo dhaweeyaan, waxaana looga wada hadley xaalada isboortiga Soomaaliya u marayo iyo waxyaabihii uu soo qabtey intii ay xilka hayeen iyo howlaha hada kadib la rabo in loo qabto dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya loogu bahan yahey.

Waxaana lagu balamey in kulamada noocaan oo kale la badiyo si isfahnka dadka doonaya horumarinta isboortiga Soomaaliyeed la iskugu xiri lahaa, kadibna hore loogu dhaqaaqi lahaa sidii isbadal degdeg ah oo dhinacyo badan lagu dhalin lahaa xiliyada nagu soo aadan, iyadoo laga duulayo turxaan bixinta iyo dhisida maamul caafimaad qaba oo ay yeelato mustaqbalka isboortiga dalka Soomaaliyeed guud ahaantii, iyadoo meesha laga saarayo kuwa doonaya inay isaga shaqeystaan.

Kulankii wuxuu ku soo dhamaadey farxad iyo reyreyn farxadeed,waxaana halkaasi loogu duceeyay in umadda Soomaaliyeed dhibaatada iyo cadaalad dara lagu hayo dadka masaakiinta ah in Allah ka dulqaado sida ugu dhaqsaha badan, islamarkaana u soo hanuuniyo kuwa ka shaqaynaya in Soomaaliya ku sii socoto meesha ay taalo meel ka xun iyagoo eeganaya danahooda shaqsiyadeed.

W/D:Yusuf Yusuf
SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
Tottenham
London

Related Items


Leave a comment