Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Oo U Dhoofay UAE

Tuesday August 23, 2011 - 00:20:05
0 Comments
901
Super Admin
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Wefdi uu Hogaaminayo ayaa u dhoofay Magaaladda Dubai ee Isu-taga Imaaraadka Carabta.

Sheikh Shariif ayaa Casumaad ka helay Amiir Sheikh Sultan Bin Khaliifa Al Nahyan oo dhawaan Magaaladda Muqdisho ku tagay booqasho gaaban.

Safarka Madaxweyne Shariif uu joogayo Magaaladda Dubai ee Isu-taga Imaaraadka Carabta ayaa qaadan doona 2-Maalmood,isagoo la kulmi doona Mas'uuliyadda Dalkaasi.

Madaxweyne Shariif ayaa Safarka Dubai ka dib aadi doona Magaaladda Adis Ababa ee Xarunta Dalka Ethiopi-ya waxaana uu ka qeyb gali doonaa Shir looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya.

buurtinletimes@gmail.com



Related Items


Leave a comment