R/wasare Abdiwali Cali Gaas oo soo gaaray magalo madaxda Puntland ee Garoowe

Friday August 26, 2011 - 19:03:30
0 Comments
1170
Super Admin
Waxaa xarunta Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe maanta soo gaaray Madaxa xukuumadda DKM kaa ee Soomaaliya Mudane C/wali Max'ed Cali Gaas iyo Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo, kuwaasoo isugu jira Wasiiro, Wasiiro ku xigeenno iyo weliba Mudanayaal ka tirsan Dowladda KMG ka ah.

Wafdiga Ra'iisalwasaaraha ayaa waxaa soo dhaweeyey Masuuliyiinta ugu sarreysa Puntland oo uu horkacayo Madaxweynaha Puntland Mudane C/rixmaan Sheikh Max'ed Faroole, golihiisa wasiirada, xildhibaana iyo Dadweyne fara badan oo tubnaa hareeraha laamiga iyo iyagoo ruxayey caleemo qolyan, calamada Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Puntland iyo sidoo kale ereyo lagu soo dhaweynayo Ra'iisalwasaare Abdiweli.
Wafdiga Ra'iisalwasaaraha ayaa shir wada tashiyo ah la qaadan doona Madaxwaynaha iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Puntland iyadoo la sheegayo inay kawada hadlayaan Xiriirka dowladda Kumeelgaarkaa iyo Puntland iyo sidoo kale xaaladda magaalada gaalkacyo oo ay muddooyinkii danbe kusoo badanayeen xaalad ammaan xumo iyo khilaaf ba'an oo ka taagan dhinaca maamulka.
Guud ahaan jawigu Magaalada Garoowe saaka wuxuu ahaa mid ka duwan kii caadiga ahaa ee lagu yaqaanay, Iyadoo mardhowna ay Saxafiyiinta Warbaahinta Gurmad ee Magaalada Garoowe idiin soo gudbin doonaa, Sawirro iyo Warbixinno dheeraada oo ku saabsan Imaanshaha Ra'iisalwasaaraha DKMG iyo weliba qaabkii soo dhaweyntii.

buurtinletimes@gmail.com

Xigasho gurmad

Related Items


Leave a comment