Madaxweynaha Faroole Oo Shacabka Puntland iyo Muslimiintaba Ugu Hanbalyeyey Ciidul Fidriga

Monday August 29, 2011 - 22:45:03
0 Comments
850
Super Admin
Madaxweynaha Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland Cabdirixmaan Shiikh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa sheegay in berito ay tahay Ciidul Fidri.

Madaxweyne Faroole ayaa Fiidnimadii Caawa isagoo la hadlaayey Warbaahinta gudaha u sheegay dadka reer Puntland in berito si wadajir ah looga wada Ciidayo gobolada Puntland oo dhan.

Wuxuu sheegay in la tashi dheer oo ay wada Sameeyeen Wasaaradda Cadaaladda iyo arimaha Diinta Puntland iyo Culuma’udiinka in ay isla garteen in berito ay tahay Ciidul Fidri ka dib markii laga soo sheegay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Shacabka kunool guud ahaaba gobolada Puntland ayuu ugu hambalyeeyey Ciidul Fidriga,wuxuu ka codasaday in tafaraaruq uusan dhicin loona wada ciido si wada jir ah.

In berito ay tahay Ciidul Fidri ayaa sidoo kale laga Iclaaniyey magaalooyinka Muqdisho,Kismaayo,Buulo-Burde,Baydhabo,Beledweyn iyo gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Waxaa Sidoo kale iyana laga Iclaamiyey dalka Sacuudiga Carabiya,waxaana laga baahiyey Talafishinada Carabta sida Al-Jazeera iyo Al-Carabiya in Boqortooyada Sacuudiga sheegtay in berito ay tahay maalin Ciid ah bisha Shawaalna ay tahay kow.

Xigasho Horseed

Related Items


Leave a comment