Shir abaaraha Soomaaliya looga hadlayo oo maanta ka furmay Nayroobi iyo C/weli Gaas oo ka qeybgalaya

Thursday September 08, 2011 - 22:38:22
0 Comments
801
Super Admin
Waxaa maanta ka furmay magaalada Nayroobi shir looga hadlayo abaaraha Soomaaliya kaasoo uu ka qeybgalayo Ra'iisuwasaaraha Soomaaliya C/weli Maxamed Cali (Gaas
Mas'uuliyiin kala duwan oo dunida isaga kala yimid ayaa ka hadlay markii shirka la furey iyadoo mid kasta uu soo hadal qaaday sida loogu baahan yahay in loo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaaruhu hayaan.

Ra'iisulwasaare Gaas oo khudbad ka jeediyay furitaanka shirka ayaa sheegay in muqdisho ay ku soo dhaweeyeen kuna caawiyeen kumanaan barakacayaal ah oo ka soo hayaamay gobolada dalka kuwaasoo baahnaa in la quudiyo.
"xukuumadyeda oo kaashaneysa hay'ado iyo dalal caalamka isaga yimid ayaa gargaar u fidiyay barakacayaal muqdisho soo miciin biday"ayuu yiri C/weli gaas

Sidoo kale Ra'iisulwasaaraha ayaa intaasi ku daray inay sameyeen hay'adda maareynta musiibooyinka si ay gacan uga gaystaan caawinta shacabka dhibaateysan waxaana uu dunida ka dalbaday in dowlada lala garab istaago sidii dadka baahan loo gargaari lahaa.

Sidoo kale waxaa ka hadlay furitaanka Moses Wetang'ula oo ah wasiirka arimaha dibada kenya kaasoo sheeegay in dalka kenya ay soo gaareen qaxooti aad u badan oo abaaraha dartood uga soo barakacay meelihii ay daganaayeen.
Shirka ayaa lagu wadaa inay berito la soo xiro lagana soo saaro balanqaadyo ama yabooh rasmi ah loogu sameeyo Soomaalida kenya dhooban iyo kuwa Soomaaliya ku dhibaateysan.

Dhanka kale madaxweyne shariif ayaa lagu wadaa inuu gelinka danbe ee maanta u dhoofo Kenya si uu beri uga qeybgalo xiritaanka kulankaasi.

buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment