Ayuub Aadan Cali " Puntland xoog ayey iiga duubeen muuqalka ay soo bandhigeen" Muuqaalk Faseexo huwan.

Thursday September 22, 2011 - 00:25:39
0 Comments
1416
Super Admin
Ayuub Aden oo ahaa wiil ay dhawaan muuqal laga duubay aysoo bandhigeen maamulka Puntland isla markaana ay ku sheegeen inay ka heleen maamulka Ahlusuna ayaa cajalkaasi uga sheekeynayey sida ay u howlgalaan ciidamada Al-shabaab ee ku shaqada leh dilalka qorsheydan oo aan la ogeyn cida geysatay.

Waxaana inta ay socotay cajaladaasi hore uu u sheegay magacyada dadka ka tirsan Al-Shabaab ee dilalka fuliya iyo Studio lagu duubo cajaladaha oo ay ku leeyihiin Magaallada Galkacyao,isagona sheegay in xiliga la qabanayey uu usii socday Magaallada Burhakaba oo uu kasoo jeedo.

Balse Ayuub Aden Cali oo maanta muuqal kale iska soo duubay kadib markii uu ka baxay gacanta ciidamadii hore u hayey ayaa sheegay in la qabtay isaga oo marayey Guriceel,waxaana uu sheegay in xiligaasi lagu qabtay cajalado uu watay kadibna loo dhaadhiciyey xabsi ku yaala Guriceel,iyaddo ugu danbeyntii uu sheegay in loo soo ka xeeyey Magaallada Galkacyo oo hadana loogu geystay halkaasi jiir dil xoogan.

Ayuub Aden waxa uu ku sheegay raga u soo ka xeyey dhanka Galkacyo saraakiil ka tirsan Maamulka Faroole,waxaana uu intaasi ku daray inuusan fahansaneyn meesha uu joogay ilaa markii danbe ay dhagihiisa ku soo dhaceen dhawaqa Radiyo Galkacyo oo ku ku fahmay inay tahay meesha la keenay magallada Galkacyo.

Balse arinta la yaabka leh ayaa aheyd markii uu cajalkiisa ku sheegay in loo dhiibay warqado lagu yiri akhri,kuwaasi oo ay ku qornaayeen dhamaan magacyada dadkii uu sheegayey inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,waxaana hadalkiisa uu raaciyey inay meesha joogeen oo waliba ka mid ahaayeen dadka ku dirqiyey arinta uu horey u sameeyey rag ay ka mid yihiin Yaasiin Cali Saylaan, Beer Geel iyo Maxamed Cali Yusuf Gaagaab.

Yaasiin Cali Saylaan oo kamid ah raga uu sheegay inay meesha lagu jiirdilayey Ayuub joogeen ayaa waxaa xaqiiqo ah inuusan ku jirin Maamulka uu hormuudka u yahay Faroole ee Puntland,taasi badelkeedana uu yahay wadaad ka mid ah culumada Puntland,dhawaana waxaa loo geystay dhaawac ay fuliyeen rag hubeysan.

Sidoo kale Mohamed Ali Yusuf “Gaagaab” oo horey usoo ahaa Madaxweyne ku xigeen Puntland marna ahaa wasiirka Maaliyada Puntland ayeysan maskaxda ka daadageyn sida uu goobjoog ugu noqon karo goobta ninkaasi lagu ciqaabayey ama cajalka looga duubayey,sababtoo ah Faroole iyo Gaagaab waxay isku yihiin dab iyo Baasiin.

Ayuub oo ah nin dhalinyaro ah oo ka soo jeeda Magaallada Burhakaba ayaa ku tilmamaay waxa ku kalifay inuu jawaabtan bixiyo kadib markii uu hurdo ka ladi waayey muuqalka dhawaan lagu baahiyey Barta internetka,isagoona sheegay inay ku aheyd hadalao qasab looga keenay isla markaana uu raali gelin siinayo dhamaan dadkii uu magacyadooda sheegay,kuwasi oo uu xitaa qaar sheegay inay dhinteen ama dhaawacan yihiin.

Waxaa is weydiin mudan halka uu ka jiro jahwareerka muuqaladan labada ah ee laga duubay wiilkan yar ee Ayuub Aadan Cali,iyaddoo midna uu isku difaacayo midna uu ku qiranayo inuu ka mid yahay Al-Shabaab.

Halkan ka daawo muuqalka Danbe Ayuub Aadan Cali.



Related Items


Leave a comment