Macalin Tuke oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Manchester–

Wednesday September 28, 2011 - 15:31:49
0 Comments
599
Super Admin
Jaaliyada Isboortiga Soomaaliyeed ee magaalada Manchester ayaa si heer sare ah soo dhaweyn iyo sii sagootinba ugu sameysay magaaladooda macalinkii hore kooxda Jeenyo iyo Gaadiidka macalinkii Qaranka Cabdulaahi Xasan Saalax ‘’Tuke’’ iyo wiilkiisa Maxamed Tuke oo isna ahaa ciyaaryahan hore kubadda cagta dalka Soomaaliya barisamaadkii ka soo dheeli jirey, kuwaasoo todobaadkii la soo dhaafey booqasho ku joogay magaalada London.

Xaflada soo dhaweynta waxaa ka soo qayb galey oo soo camirey goobta xaflada lagu qabanaayay mudanayasha kale ah:

Mudane Shariif Zeeno,Mudane Maxamed Ibraahim, Mudane Osman Buraale,Mudane Maxamed Hagi Omar,Mudane Cadde Hagi Omar, Mudane Cabdi Kuus, Mudane Cumar Canjeero,Mudane Xaaji Siinaay, Mudane Fu’aad Cumar , mudane Cabdulqaadir Caddaay, Mudane Cabdi Dheeg iyo Mudane Baana Cali, mudane Saalax, Mudane Qardaas

Jaaliyada Isboortiga magaalada Manchester, Bolton iyo Liverpool ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyay macalinkii weynaa iyo wiilkiisa, iyagoo qado iyo casho sharafba ugu sameeyay maqaayad weyn oo ku taal bartamaha magaalada Manchester, kadibna waxay booqasho ku geyeen garoonka weyn ee kooxda Manchester ee loo yaqaan ‘’Old Trafford’’.

Waxaa halka lagu dhigayay xaflada yimid oo booqasho gaaban iyo salaan ugu yimid macalin Tuke ciyaaryahanka Soomaaliyeed ee u dheela kooxda Manchester City ciyaaryahan Cabdisalaam Ibraahim, si uu arko macalinka islamarkaana uu barto.

Munaasabada soo dhaweynta waxay ku soo dhamaatey jawi wanaagsan iyadoo laga wada hadley waxyaabo badan faaido u leh isboortiga Soomaaliya gudaha iyo dibadaba.

Macalin Tuke ayaa u ambabaxay dhanka iyo Soomaaliya oo uu doonayo inuu ka soo qabto howlo isboorti oo dhaxal gal, islamarkaana ka codsadey bahda isboortiga inay taageeraan in isboortiga gudaha dalka dhan la gaarsiiyo iyadoo loo wada dhan yahay.

Xafladatan waxaa soo qaban qaabiyay Gudoomiyaha Ururka taageerayaasha dhalinta Olympic-ada Soomaaliyeed mudane Caddaay isagoo halkaasi ka sheegay in loo baahan yahey in loo istaago taageerida ciyaartooyda Soomaaliyeed ee uga qayb gali doonta cayaaraha Olambikada London 2011, dhawaan waxaan wafdi u direynaa Kenya iyo Ethopia halkaasoo laga soo sheegay inay ku xareysan yihiin ciyaartooydaas ayna u baahan yihiin gacansiin buuxda iyo nafaqeyn, madaama ay diyaargaroow ugu jiraan sidii dalka Soomaaliya u matali lahaayeen, taasoo ay soo dhaweyeen marti sharaftii ka soo qayb gashey xaflada soo dhaweynta macalin Tuke.

W/D:Yusuf Yusuf

SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment