Wafuud ay Kala Hogaaminayaan Ra,isul Wasaaraha Somaaliya iyo Wasiirka Difaaca Dalka Burundi oo Gaaray Magaalada Muqdisho

Sunday October 09, 2011 - 18:29:44
0 Comments
548
Super Admin
Waxaa Maanta Gaaray Magaalada Muqdisho Wafdi Kala Gaar Ah oo Ay Kala Hogaaminayaan Ra,isal Wasaaraha DKGS Pro;C/wali Max'ed cali Iyo Wasiirka Difaaca Dalka Burundi,C/wali Max'ed Cali Ra,isul Wasaraha Xumada somaaliya Ayaa Warbaahinta War Kooban ku siiyay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada muqdisho.

Ra,isul Wasaraha DKGS waxaa Uu Ka Warbixiyay Sarkiisii Dheeraa Uu ku Tagay Dalalka Dibada Iyo Shirarkii Uu Ka Qayb Galay Gaar'ahaan Shirkii Qaramada Midoobay Ee lagu Qabtay Xarunta Qamada Midoobay Ee New-York Iyo Shirkii Xiriirka Caalamiga Ee Ka Dhacay Copen- Hegan Ee Cariga Wadanka Denmark .

Ra,isaul Wasaaraha DKGS Pro;Cabdi Wali Max'ed Cali Ayaa Sidoo kaleSheegay In Magaalada Addis ababa Uu Kula Kulmay Dhigiisa Wadankaasi Meles Zanaawi iyo Mas,uuliyiin kale oo Fara badan.

Dhinaca Kale Wafdi uu Hogaaminaayo Wasiirka Gashaan Dhiga Wadanka Burundi Agathon Rwasa Ayaa Ka Soo Degay garoonka Diyaaradaha Caalamiga Ee Mudisho Waxaana Socdaalkiisa Ku weheliyay Saraakiil Katirsan Dalka Burundi.

Ra,isul Wasaaraha Somaaliya oo Ka Hadlay Socdaalka Wasiirka Difaaca Dalka Burundi ayaa Sheegay In uu Joogi Doono Muqdisho Mudo Laba Cisho Ah Isagoona Xusay Imaanshiyaha Wasiirka Difaaca Burundi Ay Tahay Sidii uu u Qiimeeyn Lahaa Xaalada Muqdisho iyo Mida Ciidamada Burundi Ee ku Sugan Muqdisho.

Intaas Ka Dib Ayaa Wafdigii Burundi Ka Yimid waxa Loo Galbiyay Dhinaca Madaxtooyada Villa Soomaalia,Halka Ra,isu Wasaarahana uu Aaday Dhinaca Stadiumka Muqdisho oo Ay ka Socotay Dibad Bax Looga soo Horjeeday Qaraxii 4-Octobar Ka dhacay Xaruntii Wasaaradii Saamaha Iyo Hargaha oo Ahaa Imiidaaminta Ahaa Xasuuqa badanna Geeystay Ayna Sheegteen Xarakada Al shabaab.

Dhawaan Ayeey Ahayd Markii uu Wasiirka Difaaca dalka Uganda Soo Gaaray Muqdisho Isagoona Dhowr Cishana ku Sugnaa kulamana Laqaatay Saraakiisha Ciidamada Amisom Ee Ku Sugan Magaalada Muqdisho iyo Madaxda Dowlada Soomaaliya.

Xafiiska Warqabadka Burtinletimes.com

Muqdisho

Burtinletimes@hotmail.com

Related Items


Leave a comment