Madaxweynaha D.Feedaraalka KMG oo magacaabey degmo cusub

Friday July 27, 2012 - 06:41:52
0 Comments
1036
Super Admin

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha jamhuuriyadda Feedaraalka KMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dagmo buuxdo loogu aqoonsado Dagmada Galinsoor ee Gobalka Galgaduud.

Digreetada ayaa waxaa ay ka soo baxay Wasaarada Arimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Soomaaliya iyadoo ay ku lifaaqneed dikreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha waxa ayna u qorneed sida tan.Ku guddoomiyaha gobolka Galgaduud.Ku dhamaan wasaaradaha xukuumadda FKMG ah.

Ku Taliyaha ciidanka Booliska SoomaaliyeedKu taliyaha Nabadsugida Qaranka.

Ujeedo Baafin Dagmo cusubiyadoo laga amba qaadayo xeerka Madaxweynaha LR. 045, ee 16/02/2012, kuna saabsan magacaabis dagmo cusub, waxaa loo aqoonsaday degmo ahaan degmada Gelinsoor oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Hadaba si loo hormariyo kaabayaasha dhaqaalaha, nabadgalyada, cadaalada IWM ee ay u baahantahay Dagmo, waxaa laga codsanayaa dhammaan hay’adaha dowliga in ay dhameystiraan baahida kaga aadan dagmada Galinsoor, waxaa qoraalkan ku lifaaqan Madaxweynaha ee ay ku soo baxday magacaabistaas.

Xeerka Madaxweynaha J.S Lr,045 Taariikh 16/02/2012 magacaabis dagmo cusub.Madaxweynaha Jamhuuriyadda J.SMarkuu arkay qodobka 39aad xarafka “A” iyo farqada labaad ee isla qodobkaan.Markuu arkay xeerka Lr.6 ee 12ka febraayo 1980Markuu arkay warqadda wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Lr WAG&AQ/XW/0155/12 ee Fabraayo 14/2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid dagmo.

Waxuu soo saaray xeerkan soo socda

Qodobka 1 aad

Waxaala ogolaaday in Gelinsoor oo ka tirsan gobolka galgaduud loo aqoonsado dagmo laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 16 febraayo 2012.

Qodobka 2aad

Xeerkan waxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee dowladda.

Dikreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Related Items


Leave a comment