Boston Islamic Center oo maanta ku guul daraysatay dhagaysigii dhisida Masjidka Cusub

Wednesday September 19, 2012 - 03:59:00
0 Comments
620
Super Admin
Boston islamic center ayaa maanta kusoo guul daraysatay dhagaysigii dacwada kadhanka ah dhisida masjidka cusub ee kuyaal 63 perrin st Roxbury Ma 02119.
Dhagaysiga dacwada ayaa waxay kadhacay City Halka magaalada Boston. Waxaa kasoo qayb galay dawayne badan oo Somali iyo Muslimin ah Iyo dadyaw kale oo daris la' ah goobta masjidka laga dhisayo kuwaas oo si aad ah uga soo horjeestay in Masjika dhismihiisa la ogolaado.

Kadib markii ladhagaystay labada dhinac oo kala ah Masaajidka dhiniciisa iyo dadkii taageersanaa iyo koox kale oo dariska ah oo aad uga soo horjeedda Masjika ayaa waxay Gudigii dhagaysiga xukumeen In Masjika dhisidiisa ladiiday.

Go'aanka maanta ayaa ahaa mid dhinac u janjeeray, waxaa kalsooni siiyey qoladii kasoo jorjeday Masjidka niman kasocday xafiiska Mayor ka Boston,Mayor Menino kuwaas oo sheegay in xafiiskoodu uu sicad ah uga soo horjeedo dhisida Masjidkaan kadib markay qiimeeyeen dareenka darisku kaqabo in masjidka ladhiso.

Qolada kasoo horjeeda Masjidka ayaa waxay doodu ahayd dhinaca traffic-ga iyo Parking-ka. labadaas si wanaagsan ayaa loogu sharaxay gudiga dhagaysiga.

Waxaa masjidka dhiniciise u hadlay: sh Yusuf Abdulle, Imaamka Boston Islamic Center. Abdirahman Yusuf, SDC CEO. Brother Yusuf, President of Masjid Alhamdulillah. Brother Atif, Director of ISBCC,

Related Items


Leave a comment