Booliska Puntland oo Gaalkacyo ka sameeyey howlgal lagu qabqabtay Sariflayaasha Gaalkacyo.

Saturday December 01, 2012 - 22:06:18
0 Comments
1024
Super Admin

Ciidamada Policeka Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolkaMudug ayaa maanta howlgal ay ka fuliyeen suuqa sarifka magaaladaas ku xiray rag sariflayaal ahaa oo suuqa lacagta ku sarifayay.

Sida ay xaqiijinayaan goob joogayaal ciidanka ayaa sharaqle yaal ku kaxeystay tiro dad ah oo aan la xaqiijin inta ay la egyihin kuwaas oo ka mid ahaa ganacsatada lacagta ka sarifta suuqa sarifka ee magaalada Gaalkacyo
Waxaa la sheegay in ciidanku u soo qabteen sarifle yaashan tuhun ku aadan in aanay joojinnin sarifka lacagaha faalsada ah oo ay ku dhexdarayaan lacagta caadiga ah sida ay goobjoogayaashaasi Warbaahinta Meeraysane u xaqiijiyeen.

Mudooyinkii ugu dambeeyay Maamulka gobolka Mudug ee Puntland waxa uu ka digayay lacago faalso ah oo la sheegay in ay soogashay gudaha gobolka taas oo lagu soo farsameeyay gobolada koonfureed ee dalka.
Dhowr jeer oo hore ayay ciidamada Policeka magaaladaasi soo qabteen lacagaha faalsada ah iyadoo maxkamad la horgeeyayna ku xukuntay in la gubo lana gubay shacabkana loogaga dilay in ay isticmaalaan.

Related Items


Leave a comment