Qaar ka mid ah Aqoon yahanadda Soomaaliyeed ee ku nool Holland oo baaq soo saaray.

Monday January 07, 2013 - 05:13:49
1 Comments
1308
Super Admin
duwan,waxay ka soo saareen baaq,baaqaas loo lagu taageeraayo maamula u samaynta Jubooyinka.
Sidoo kale waxay Dawladda Soomaaliyeediyo Amsom ugu baaqeenin ay ku taageeraan maamulka dhawaan looga dhawaaqi -doono isla markaasna loo madaxbaneeyo dadka deegaan kaas dagan si ay u doortaan dad ayagaay iska dhex xushaan isla markaasna ay ku aaminaan masiirkooda.
Prof, Cumar Shire oo ka mid ahaa dadkii soo abaabulay kullan-ka ayaa wuxuu yiri' aniga oo ku hadlaya afka aqoon yahanadda iyo wax garadka Soomaaliyeed waxaan uga digaynaa in aan lagu xad gudbin Tastuurka Dalka isla markaasna aan la majarin habaabin, tastuurka ayaa qeexaya in dadka deegaan ku ay soo doortaan dadkii ay rabaan ayuu hadalkiisa ku soo koobay.
Sidoo kale kulan ka ayaa waxaa looga hadlay arrinta Dawladda Puntland taas oo ay ugu baaqeen dawladda iyo Mucaaradkuba in ay wax kasta ka hor mariyaan jiritaanka Puntland iyo Nabad galyadda Mandaqada ay caan ku tahay isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo wada hadal,shirkaan ayaa wuxuu gogol-xaar u yahay shir loo balay dhawaan in la qabto kaas ay ka soo qayb gali doonaan dhamaan Bulshada qaybaheeda kale duwan ee ku nool wadan ka Holland iyo Biljam.
Waxaa sidoo kale dadkii meesha ka hadlay ka mid ahaa Eng,Axmed Maxamuud Xandulle oo ahaa Gudoomiye ku xigeen Xisbiga WAD-JIR ee ka mida ah xisbiaydii dhawaan looga dhawaaqay Puntland asga oo ku nuux nuuxsaday in laga shaqeeyo wada jirka iyo Soomaalinimadda isaga oo kaftamayana wuxuu yiri"aniga hadda Xisbi baan G/ku-Xigeen ka ahay igama ahan xil-doone waxaa uu yahay hadafkaygu Soomaali in ay wada jirto in aan ka shaqeeyo maxaa yeelay anigu Soomaaliya oo mid ah wax ku doorsanayaa ma jirto ayuu yiri.
Madasha ayaa waxaa looga dhawaaqay gudi loo xil saaray in ay fududeeyaan shirka dhawaan loo madlan yahay in uu dhaco.

Prof, Omar shire Gudoomiye

Eng,Ahmed Moahmuud Xandulle

Adan Dubad Adan

Mohamed qaasim Bashiir Ibraahim

Caasho Aden

Kaamil Xasein Cidilibaax

Bashiir Xassan farax

Ismaaciil H Robale

Related Items

Comments


Leave a comment