Wasiirka Ganacsiga Puntland Oo Shaaciyay In War Laga Soo Saari Doonto Qiimaha Gaaska Cuntada

Tuesday February 01, 2022 - 20:21:01
0 Comments
380
GAROOWE

Wasiirka Ganacsiga Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi oo qoraal kooban la wadaagay bulshada ayaa shaaciyay in dowladdu war ka soo saari doonto qiimaha kororka la sheegay in uu ku yimid sicirka Gaaska cuntada.


Wasiirka ayaa sheegay in baaritaan lagu samaysay cabashooyinka la xiriira qiima kororka Gaaska cuntada ee maalmahan ka socda baraha bulshada islamarkaana war wanaagsan laga soo saari doono.


Wasaaradda Ganacsiga Puntland ayaa horay u beenisay in wax qiima koror ah ku yimid sicirka lagu iibsado Gaaska cuntada kadib cabashooyin laga muujiyay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment