Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Oo Khudbad Ka Jeediyey Golaha Nabadda iyo Ammaanka Ee Midowga Afrika

Sunday February 06, 2022 - 14:14:34
0 Comments
294
ADIS-ABABA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.


Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha la taaban karo ee ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto dabargoynta arxanlaaweyaasha Alshabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.


"Argagixisada Alahabaab waxa ay khatar ku tahay dhammaan nolosha dadka Qaaradda Afrika. Qorsheyaasha Golaha Nabadda iyo Ammaanku waa in ay noqdaan kuwo midaynaya dhammaan dadaallada iyo cududda aan kaga hortegayno khataraha inagaga imaanayaargagixisada Alshabaab iyo kooxaha kaleee xagjiriinta ah.”


Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oojeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.


Shirka oo maalintiisii labaad galay, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada, ka soo kabashada saamaynta COVID-19, wax ka qabashada fatahaadaha, ka gaashaamashada abaaraha, la dagaallanka ayaxa, iyo arrimo kale oo quseeya Soomaaliya iyo Qaaradda Afrika.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment