Shir Sannadeedka Xeer ilaaliyaasha Soomaaliyeed Oo Maanta Ka Furmay Magaalada Muqdisho

Wednesday February 09, 2022 - 14:45:33
0 Comments
435
MUQDISHO

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr Suleymaan Maxamed Maxamuud, Wasiirka Cadaaladda XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qayb-galay furitaankii shirka.


Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gan, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar masuuliyiin ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta iyo madax ka socota maamul goboleed yada dalka, safiirka mareykanka ee Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale ayaa shirka ka qeybgalay.


Shirka ayaa inta uu socdo waxaa jiri doona doodo iyo cilmi baarisyo kala duwan oo lasoo bandhigi doono waxaana uu soconayaa muddo labba maalin ah.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment