Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Oo Shir la Qaatay Taliyeyaasha Qaybta Guud Ee Police-ka Gobolka Banaadir

Sunday March 27, 2022 - 22:20:08
0 Comments
334
MUQDISHO

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta shir la qaatay Taliyeyaasha Police-ka, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka.


Shirkaas ayaa looga hadlay adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya heer gaba gabo ah.


''si weyn looga hortago falalka lidiga ku ah amniga,islamarkaasna laga feejignaado dhagaraha ay Al-shabaab u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah'' ayuu yiri Taliyaha  Ciidanka police-ka soomaaliyeed.


S/Gaas Cabdi Xasan ayaa faray saraakiisha in la laba jibaaro sugidda amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment