Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Putland iyo Kuxigeenadiisa.

Thursday March 31, 2022 - 14:10:28
0 Comments
474
GAROOWE

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Puntland.


Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 90-aad.

 

Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Puntland.

Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.


Wuxuu Xeeriyey:

 

Magacaabid

 

1-Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Puntland.

 

2-Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye   Kuxigeenka Maxkamadda Sare ee Puntland.

 

3-Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland.

 

4-Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland.

 

5-Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Puntland.

 

Waxaa kale oo la magacaabay

 

B. Keydka

 

1-Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin

2-Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T-Xubno Guddi

1- Daahir Maxamed Nuur

2-Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo Wuuna saxiixay

                                       

                              DHAMAAD

Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment