Hogaamiyaha Xisbiga Ucid Oo Siweyn Ugu Dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland Dabkii Ka Gacay Suuqa Hargaysa

Sunday April 03, 2022 - 14:57:40
0 Comments
307
HARGAYSA

Hogaamiyaha Xisbiga ucid ayaa ka mid ahaa dadkii Shalay kormeeray Suuqii Gubtay ee Magaalada Hargaysa, isagoona sheegay in la yiraahdaa inaalilahi wa inaa ilayhi raajicuun, marka ay masiibadu dhacdo waana in lawada gurmadaa dowlad iyo Shiciba .


Faysal Cali waraabe ayaa tilmaamay in ay masiibadaas tahay mid Qaran islamarkaasna loo baahan yahay gudi qaran oo soo qiimaysa khasaaraha si markaas loo eego wixii la qaban karo, wixii dhacay.


Hogaamiyaha Xisbiga ucid ayaa u mahadnaqay ninkii keenay debdamiskii kaalinta weyn ka qaatay deminta dabkii ka kacay suuqa Axmed Sawaaxili intaasna ku daray in dowlad caqliga aysan kaga jirin in la keeno debdamis.


Sidoo kale faysal cali waraabe waxaa uu u mahadceliyay Kililka shanaad isagoo yiri inagu isku faamili ayaa nahay waxa 60-kii xamar waxa nageeyay waxa ay ahayd soo cdelinta kililka shanaad.


Gaba-gabadii Faysal cali waraabe ayaa Siweyn u dhaliilay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Cabdi islamarkaasna sheegay inuu $1-malyan doolar la badan yahay.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment