Guddoomiyaha Barlamaanka Oo Maanta Xilkii Kala Wareegay Guddooomiyihii Hore Ee Golaha Shacabka

Saturday April 30, 2022 - 14:31:39
0 Comments
372
MUQDISHO

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka mudane Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay guddooomiyihii hore ee golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ka dib kulan ka dhacay xarunta Villa Hargeysa.


Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa kulanka khudbad ka jeediyay ka dib markii uu xilka ku wareejiyay guddoomiyaha cusub Sheikh Aadan Madoobe.


Guddoomiye Sheikh Aadan Madoobe oo soo xiray kulanka ayaa shaaciyay xilliga la qabanayo kulanka xiga ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad, isagoo tilmaamay in ay noqon doonto 4-ta bisha soo socoto ee May bacdal ciid.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment