Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu
hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
"Waxaan Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Ummadda
Islaamka ugu hambalyeynayaa munaasabadda Ciidda Barakeysan ee Ciidul Fidriga.
Waxaa mahad oo dhami u sugnaatay Allaha weyn oo si nabad
iyo caafimaad leh noogu dhammeeeyay bishii Barakeysneyd ee Ramadadan. Allaha
naga aqbalo soonkii iyo acmaashi wanaagsanayd ee aan la nimid.
Ciiddu waa munaasabad farxadeed, sidaas darteed waxaan ka
codsanayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Eebbe wax siiyay in la
caawiyo dadka danyarta ah, lagana farxiyo iyaga iyo qoysaskooda si ay u
dareemaan farxadda Ciidda.
Munaasabadda Ciiddul Fidrigu sanadkan waxa ay ku soo
aadday iyadoo uu xaalku aad uga duwan yahay sidii uu ahaa sanadkii hore
xilligan oo kale, markaas oo ay dalka ka jirtay xaalad amni yo siyaasadeed oo
aad u kacsan taas oo la xiriirtay doorashada dalka iyo heshiis la’aanta
siyaasadeed ee dalka ka taagneyd.
Alla mahaddii sanadkan waxa aan farxadda Ciidda u dabbaal
dageynaa, iyadoo howlihii doorashadu soo gaareen heer gebogebo ah, ka dib
dadaal iyo shaqo badan aan galinnay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd.
Leave a comment