Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Oo Kulan La Qaatay Safaaradda Norway Ee Soomaaliya

Sunday May 08, 2022 - 15:37:06
0 Comments
366
MUQDISHO

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii hayaha safaaradda Norway ee Soomaaliya mudane Haakon Svane, iyo wakiilka gaarka ah ee Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya marwo Heidi Elburgi Johansen.


Wakiilada ka socda dowllada Norway ayaa salaan iyo hambalyo la wadaagay Guddoonka Golaha Shacabka, waxa ay sidoo kale kala hadleen doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee isbuuca soo socda dhaceysa.


Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulamo kala duwan la qaatay qaar kamid ah wakiillada beesha caalamka u jooga Soomaaliya, waxa uuna intooda badan kala hadlay xaalada kala guurka iyo doorashada Madaxweynaha.


Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa bogaadiyay doorka wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.


Meeraysane.com


Related Items


Leave a comment