Madaxweynaha JFS Oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay.

Sunday December 17, 2023 - 14:29:53
0 Comments
59
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib safaro shaqo oo mirodhal ah oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii oo joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas rasmi ka dhigay xubinimada Soomaaliya ee EAC.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan muhiim ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda  Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas’uuliyiinta ka tirsan hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee somaliya ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta.

Related Items


Leave a comment