R/Wasaare Hore Ahna Musharax Madaxweynaha Puntland Oo Soo Gaaray Magaalada Galkacyo

Wednesday December 20, 2023 - 14:54:25
0 Comments
96
ahmed raajaa
GALKACYO
Madaxweynihii hore Ahna Musharrax u taagan  Madaxweynaha Puntland , Dr. C/iweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa soo gaaray magaalada Gaalkacyo.

Isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha C/laahi yusuf ee magaalada Galkacyo islamarkaana si weyn loogu soo dhaweeyay Galkacyo.

EX Madaxweynihii Hore ee Puntland oo ah diyaasi galaan-gal ku leh siyaasada soomaaliya, waxaana maanta soo dhaweeyey loo sameeyay qaybaha kala duwan ee bulshada sida;- siyaasiyiin, odayaal, culimo, saraakiil, ururada haweenka iyo ururada dhallinyaro.

Dr. Cabdiweli Gaas ayaa kal hore soo qabtay xilalka kala ah Ra'Iisul-wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale Madaxweynaha Puntland, iminkana ah musharrax madaxweynaha Puntland, doorashada l2024.

Isku soo duub  waa musharixii keliya ee aan loo xirin wadooyinka magaalada galkacyo, iyadoo musharixiintii iyo madaxdii kale loo xanibi jiray isku socodka bulsha.

Meeraysane.com 

Related Items


Leave a comment