Madaxweynaha Puntland Oo Xalay madaxtooyada ku soo Bandhigay Musharaxnimadiisa

Friday December 29, 2023 - 14:56:20
0 Comments
78
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynha xilka ka sii dhamaanayo mudane siciid c/laahi deni ayaa xalay xaflad balaaran ku qabtay madaxtooyada puntland ee garoowe.

Madaxweynaha ayaa ugu horeeyn salaamay dadweynihii halkaasi lagu casumay oo isugu jiray isimada puntland, golihii wakiilada hore, wasiradii la shaqeeyay iyo  marti sharaf kale.

Mudane siciid dane ayaa xafladiisu darnayd sidii uu bulshada ugu cadayn lahaa inuu yahay musharax u taagan xilka madxtinimada puntland shanta sano ee soo socota sida uu xaqiijiyay.

Hogaamiyaha xisbiga KAAH mudane deni ayaa tilmaamay  xilligii la dooranayay kal hore uu soo bandhigay 8-yool oo isagoo markii la doortay u bedelay qorshe dowladeed  sida uu sheegay isagoo u mahadceliyay wasiiradii kala duwanaa, golaha wakiilada iyo cid kasta oo kasoo shaqaysay qorshahaas.

1- Puntland inay ku tilaabsato isbedel siyaasadeed oo dhab ah.
2- Sugida iyo hagaajinta Amniga puntland.
3- Dib u habaynta maaliyada,
4- Bixinta adeegyada aasaasiga ah,
5-Tayeeynta Garsoorka,
6-Daryeelka degaanka,
7-Horumarinta dhaliyarada
8- horumarinta Arimaha qoyska iyo haweenka.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay wax qabadkii ay xukuumadiisa qabatay.

Axmed Maxamed Rajaa
Meeraysane.com. 


Related Items


Leave a comment