Isimada dhaqanka Puntland Oo Tilmamay in doorashada Puntland lagu Galayo 49-xildhibaan

Saturday December 30, 2023 - 12:58:44
0 Comments
87
ahmed raajaa
GAROOWE
Isimada dhaqanka Puntland ayaa bayaan rasmi ah ka soo saaray Arinta ka alloosan doorashada Puntland.

Isimada dhaqanka oo shir deg deg ah ku yeeehay Garoowe ayaa go’aamiyay in doorarashada lagu galo 49 xildhibaan islamarkaana la ixtiraamo go’aankii masiiriga ahaa ee ay ku dhawaqeen Garaadada SSC-Khaatumo.

Warsaxaafadeedka simada dhaqanka Puntland waxaa ku saxiixan  30 isin, iyagoo tilmaamay in ay is casilaan xubnaha SSC-khaatumo kaga jira guddiga xallinta khilaafaadka doorashada.

Gaba gabadii simada dhaqanka puntland ayaa  magacaabay guddi isimo ka kooban oo korjoogto ka ah guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland

Hoos ka Aqriso War-Saxaafadeedka 





Related Items


Leave a comment