RW ku xigeenka dalka : Waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed

Wednesday January 03, 2024 - 13:39:40
0 Comments
73
ahmed raajaa
MUQDISHO
Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in filicka dowladda Itoobiya ee ku aaddan qaadashada badda Soomaaliya ay in ay dhalisay yididiilo cusub oo mideysay dareenka bulshada Soomaaliyeed.

"Dhiiladii shalay waxa bededalay yididiilo, dhaqaaq, dedaal iyo ficil, haddaynu Soomaali nahay waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed, marka ay midaysan tahay, heshiis ku-sheeggii sharci-darrada ahaa ee 1/1/2024 magaalada Addis Ababa ay kaga dhawaaqeen Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo xadgudub cad iyo gardarro ku ah gobannimada, qarannimada, madax bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Mudane Saalax ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu mideeeyay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba , wuxuuna xusay in ficillada caynkan ahi ay xadgudub cad ku yihiin mabaadi’da caalamiga ah iyo kuwa u yaal Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika, sidoo kalana ay waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka.

"Dadweynaha Soomaaliyeed, waxa ay si isku-duubni ah u muujiyeen dareenkooda ku aaddan gardarrada iyo daandaansiga Dawladda Itoobiya kula kacday gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa na ay wadajir uga soo horjeesteen faragelin walba oo loo geysto qarannimada, midnimada dhuleed, iyo madaxbannaanida Soomaaliya”.

Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay ilaashaadaan gobannimadooda iyo midnimadooda, wadajirna uga hortagaan cid walba oo duullaan ku ah dhulkooda iyo madax bannaanidooda.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dadweynaha ku nool Somaliland ay boqolaal sano hormuud u ahaayeen difaaca iyo gobannimada Soomaaliyeed oo ay yihiin kuwii keenay midnimada sannadkii 1960 kii.

Mudane Saalax ayaa bulshada Soomaaliland kula dardaarmay in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee u istaaga difaaca, sharafta iyo karaamada Soomaaliyeed, maaddaama uu Itoobiya damac kaga jiro mar kale geyigeenna.


Related Items


Leave a comment