Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland oo magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenka Puntland.

Friday January 05, 2024 - 15:04:07
0 Comments
77
ahmed raajaa
GAROOWE
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa magacaabay Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa lagu magacaabay Gudddiga Doorashada Madaxtooyada.

Guddiga oo ka kooban 7 Xubnood waxaa Guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Cabdiweli Yuusuf Warsame oo hore Guddoomiyr ugu ahaa Guddigii Doorashada Guddoonka Baarlamanka.

Halkan ka akhriso Warqadda Magacaabista

Gudoomiyaha Golaha wakiiada Puntland

MARKUU AKAY:- Dastuurka DPL Qodobkiisa 64-aad
MAKUU ARKAY:- Xeee hosaadka golaha wakiilada
MARKUU ARKAY:- Baahida loo qabo magacaabida Gudiga
Doorasha madaxweynaha &madaxweyne kuxigeenka

1-Xil C/weli yusuf warsame
2-Xil Axmed nuur C/raxmaan jaamac
3- Xil jacfar maxamed gaadaweyne
4-Xil xasan yufuf majabe
5-Xill c/risaaq cumar ismaciil
6-Xil Maxamuud dhakuul xirsi
7-Xil Muqtaar C/raxmaan Axmed



Related Items


Leave a comment