Doorasha madaxweynaha iyo madaxweyne kuxigeen oo lagu qabanaayo Magaalada Garoowe

Monday January 08, 2024 - 09:10:46
0 Comments
83
ahmed raajaa
GAROOWE
Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Saaka oo Isniin ah ka dhacaysa magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland.

Tartanka Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka waxa iska diiwaan-geliyay 22 Musharrax sida madaxweynaha waxaa u taagan 11 musharax halka madaxweyne kuxigeenka ay u sharaxan yihiin 11 musharax sida la  xaqiijinaayo.

Dhinaca kale soo jiidasha Xildhibaannada ayaa si weyn saacadihii u danbeeyay uga socday magaalada Garoowe, halka Musharrax kasta xoogga  uu saarayo in uu helo codad uu ku guulaysto.

Guud ahaan Amniga Caasimadda Garoowe ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana la xaddiday isu socodka gaadiidka dadweynaha nawaaxiga Xarunta Baarlamanka ee lagu qabanaayo doorashada.

Sidoo kale gawaarida Xamuulka ah iyo kuwa rakaabka ee Laamiga dheer ayaa sidoo kale laga joojiyay in ay Garoowe dhex maraan Maanta inta lagu guda jiro doorashada. 

Related Items


Leave a comment