Ciidanka Amaanka oo fashiliyey qarax khawaarijtu rabtay in ka fuliso Suuqa Xamarweyne

Wednesday January 10, 2024 - 14:28:03
0 Comments
71
ahmed raajaa
muqdisho
Ciidanka amaanka ayaa Fashiliyey dhagar khawaarijtu rabeen in ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ka dib markii Khawaarijtu Boorso waxyaabo qarxa ku soo gureen soo dhigeen meel u dhow kaalin shidaal oo ku taala Suuqa degmada Xamar weyne.

Ciidamada Amaanka ayaa intii aanay fashilin Qaraxa waxay xireen goobta si”aysan wax-yeelo uga soo gaaray dadka suuqa imaanaya oo khawaarijta la damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan.

In ay laamaha amaanka ogaadaan waxyaabahaan qarxa waxay ku timid wada shaqayn ka dhexaysa ciidanka iyo Shacabka.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment