Tayo intee la'eg ayey Beesha YD kuleedahay Puntland? Taxane

Thursday October 15, 2009 - 11:25:39
0 Comments
1160
Super Admin
Waxaa halkaan si habsami leh idin kugi soo gudbin doonaa Baartitaan Shabakada Xaarxaar Online ay ku samaysay Tayada Beesha YD ay ku leeday Maamul Goboleedka Puntland.

Baaritaankaas waxaan ku eegi doonaa qaybo kala duwan oo aan mid mid u dul istaagi doono. Waxaan kusoo qaadin doonaa Maamulka, Ganacsiga, Tacliinta, Shaqada iyo Shaqaalaynta.

Waxaan ku bilaabaynaa qodobka koowaad ee aan soo sheeganay oo ah Maamulka asaga oo aan fiirinayno boqolkiiba inta ay kaga jirto Beesha YD.


                            1. Maamulka Puntland

Magaalada Boosaaso waa magaalada ugu wayn ee Puntland Xagga Magaalanimada , Ganacsiaga , iyo qaybo kale, magaaladu waa Xarunta gobolka Bari waxaa intaas u sii dheer in ay tahay xarunta Ganacsiga Guud ee Puntland, Waxaa si wayn looga dareemaa maamulka dhisan marka loo fiiryo Caasumada waxaa arkaysaa in ay ku kala duwan yihiin howlaha shaqada una badan tahay Bosaso.

Si kasta oo aya ahaataba Beesha YD ee Magaalada Boosaaso ayaa lagu qiyaasaa Xagga maamulka Bara iyo awooda talada magaalada 6% kiiba in kasta oo ay qiyaastaas tahay mid aan la oran karin waa tii ugu rasmisanayd ayaan hadana waxaa ay isku raaceen khuburo qiimaysay in aysan ka yarayn miisaal ahaan.

Marka la eego goobaha maamulku ka shaqeeyo sida aiimaha Gobolka, Dakada, Airporka, Wasaaradaha iyo Bankiga ayaa  waxaa lagu qiyaasaa shaqaalaha Beesha  ugu yar in ay ka shaqayso 5 Shaqaalaa oo ka soo jeeda Sinjiyada YD. Meelaha ay sida tooska ugu badan yihiin ayaa lagu qiyaasaa in ay ka shaqeeeyaan 37 shaqaalaa ayaga oo aya tahay labada xarumood ee dakada iyo wasaaradaha .

Meelaha ugu badan ee ay ka socoto shaqada maamulka Puntland ayaa lagu sheegaa labo meelood oo kala ah Wasaaradaha iyo Dakada ayaga oo ay tahay bosaaso xarunta Ganacsiga guud ee puntland hadana aysan maamulku mid u badan meelo kale mana ay jiraan xarumo ganacsi oo ay dowlado lee dahay Puntland oo sheegan sida aan wararka qaar ku hayno.

Qiyaasta Shaqaalaha u shaqa taga Maamulka Puntland ee beesha YD ayaa lagu qiyaasaa in aysan ka yarayn 260 ha kala sareeyeen ama hakala nolol fiicnaadee shaqooyinkuye, maamulkii kan ka horeeyey ayaa lagu sheega in ay ahaayeen 197 hase ahaatee ay hada siyaadeen. Shaqooyinka ugu badan ee ay qabtaan ayaa waxaa lagu qiimeeyaa in ay yihiin 21% Xaga amaanka,  Xarun ha ahaato ama meel kale .

Warbixinta waxaa si toos ah uga qayb qaatay madax iyo dhalin ka wada shaqaynsa maamulka oo naga siisay in aan diyaarino gacan wana ku mahadsan yihiin. Sido kale waxan rajaynaynaa in aan qodob walba khuburada ku darno iyo mudanayasha shaqada ku leh howsha si ay uwadan qiimeyaan.

Waxaan ogaysiinaynaa dhamaan akhristayaasha in aan u soo gudbin doono qaybaha dambe oo wali ay qalinka ku hayaan khuburo qiyaasaysa si dhaqso badan. Hadii alle idmo waxaa u soo kala hormarin doona sida ay ukala horeeyaan Qodobado. Wa bilaahi towfiiq


Mahamed Xaad

Tafatiraha Wararka BYD

Xaarxaar Online, Bosaaso

Related Items


Leave a comment