Sheikh Muqtaar Roobow oo Beeniyey Jiritaanka Khilaafka Madaxda Al-Shabaab

Friday October 08, 2010 - 20:31:45
1 Comments
2975
Super Admin
Sheikh Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah saraakiisha ugu sar sareysa Xarakadda Al-Shabaab ayaa markii u horeysay ka hadlay jiritaanka warar sheegaaya in khilaaf xoogan uu ka dhex taaganyahay madaxda sare ee Al-Shabaab gaar ahaan isaga iyo Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane.

Isagoo ka hadlaayay maanta salaada Jimcaha kadib Masjid ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in haba yaraate aanay jirin wax khilaaf oo u dhaxeeya saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab taasna ay tahay warar beenabuur ah.

Wuxuu ku eedeyey in wararkaas ay faafiyeen Dawladda Federaalka iyo Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho isagoo xusay in uusan iyaga u jawaabaynin balse uu u jawaabayo dadka muslimiinta ah siduu sheegay.

”…Waxaan leeyahay Mujaahidinta caalamka kunool oo ugu horeeyo Sheekheena Usaama Bin Laden waxaan leeyahy ardaydaada Soomaaliya joogto wanaag iyo midnimo ayay ku suganyihin…”,ayuu yiri isagoo fariintaas u direy Hogaamiyaha Ururka Al-Qaacida Osama Bin Laden.

Muqtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa dhanka kale sheegay in dhowaan ay ku dhawaaqi doonaan dagaal culus oo ka duwan kii hore ee ku dhawaaqeen bisha Ramadaan kaas oo u sheegay in lagu soo afjaraayo Dawladda Federaalka iyo AMISOM.

Hadalka kasoo yeeray Muqtaar Roobow ayaa imaanaya xilli maalmihi lasoo dhaafay si aad ah loo hadal hayey khilaaf u dhaxeeya madaxda Al-Shabaab taas oo la sheegay in ay sababtay in lagala wareego fariisimo muhiim ah ay ku lahaayeen degmada Hodan kadib dagaalo halkaas ay ka dhaceen.

wixi war ah oo ka soo kordha kala xarioir isha wararka

burtinletimes

Related Items

Comments


Leave a comment