Saraakiisha hay'adaha ammaanka iyo madaxda Hormuud oo wada hadal yeeshay

Wednesday January 17, 2024 - 13:48:22
0 Comments
63
ahmed raajaa
MUQDISHO
Mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha ammaanka iyo shirkadda Hormuud ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta danta guud si waafaqsan shuruucda dalka.

Kulanka waxaa xal looga gaaray caqabado taagnaa, kuwaas oo loo xalliyay si ay ku jirto maslaxadda guud ee dalka, wuxuuna kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u taagan tahay ilaalinta amniga iyo bad qabka muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda, iyada oo mar kasta dhawraysa sharciga.

Related Items


Leave a comment