xildhibaanada Lasafan Raysul Baarlamanka oo shir maanta yeeshay

Tuesday November 23, 2010 - 18:41:58
0 Comments
1418
Super Admin
xildhibaanada Lasafan Raysul Baarlamanka oo shir maanta yeeshay waqti lagu jiro khilaaf xoogan oo u dhexeeya baarlamanka

Xildhibaanadan ayaa kulanka ay yeesheen waxay ujeedadiisu ahayd inay taageero ugu muujiyaan gudoomiyaha barlamanka oo sida muuqata khilaaf kala dhexeeyo madaxweyne Shariif arinta ku saabsan ansixinta xukuumada raisul wasaare Farmaajo.

Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye (C/raxmaan Dheere) oo akhriyey war saxaafadeed ay soo saareen xildhibaanadan ayaa ku eedeeyey madaxweyne Shariif inuu wado faragalinta shaqada barlamanka isla markaana uu lacag ku kala dilayo xildhibaanada sida uu yiri.

Wuxuu cambaareeyey xildhibaano kale oo uu sheegay inay ka dambeeyeen khilaafkii shaley ka dhacay hoolkii ay ku shirayeen barlamanka taasoo dhalisay in kulankii barlamanka ee shaley gacmaha la isula tago ka dibna lagu kala kaco.

War saxaafadeedka uu akhriyey xildhibaan C/raxmaan Dheere ayaa dhinaca kale amaanay gudoomiyaha barlamanka iyadoo uu ku dhiirigaliyey inuu sii wado waxa uu ugu yeeray difaacida sharciga barlamanka oo xildhibaanada qaarkood ay doonayaan in lagu tunto, sida uu sheegay.

Xildhibaanadan oo tiradooda ku sheegay inay dhan yihiin 200 ayaa gebagabadii kylanka waxay sheegeen inay ka horjeedaan qorshayaal musuqmaasuq oo ay tilmaameen inuu ka socdo xafiisyada sarsare ee madaxda dowlada isla markaana lagu doonayo in balamanka lagu kala qeybiyo.

Kulankan ay yeesheen xildhibaanada ayaa yimid ka dib markii maalintii shaley kulankii barlamanka ee ka socday xarunta golaha shacabka lagu kala kacay xilli la doonayey in codka loo qaado xukuumada raisul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo.

Dhinaca kale kulamo hoose oo midkan ka soo horjeeda ayaa xildhibaanada taabacsan madaxweyne Shariif waxay kasoconayaan hotelo kale oo ku yaalla magaalada Muqdisho halkaasoo ay ka socdeen wadatashiyo hoose oo ka dhan ah midkan.

mcg

Related Items


Leave a comment