Shir looga hadlayey Wadamada somaliya iyo sudan oo maanta IGAd uga furmay Ethoipia

Tuesday November 23, 2010 - 20:22:13
0 Comments
1477
Super Admin
Shir looga hadlayey Wadamada somaliya iyo sudan oo maanta IGAD uga furmay caasumada wadanak Ethoipia ee Addis Ababa waxaana diirada si aad ah loogu saarin Ciidamada Nabad ilaalinta Wadanka soomaalidii sidii loo kordhin lahaa iyo xaaladaha wadanka suudan ee doorashada kal qaybinta loo cod qaadi doono

wasiirka arimaha dibadda ee dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn oo kooxaha warfidiyeenka kula hadlayey magaalad Adis ababa ayaa u sheegay ajandaha ugu weyn ee shirku uu yahay sidii loo taakuleyn lahaa ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ka howlgala iyo in beesha caalamku ay dar dargeliso taageerida dowlada KMG Soomaaliya.

Mr Hailemariam ayaa intaa raaciyey in Soomaaliya la geyn doono maalmo kooban gudahood hal bataliyan oo ciidan ah oo ay Dowlada Burundi ugu yaboohday kuwaa oo qayb ka noqon doono ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya, waxaana uu xusay in Ciidamada Midowga Afrika ay haatan si joogta ah taageero uga helaan midowga Yurub hase yeeshee ay weli meesha ka maqan tahay kaalintii looga baahnaa Q/midoobay.

Ramtane Lamamra Madaxa amaanka iyo nabad gelyada ee Midowga Afrika ayaa isna ugu baaqay Q/midoobay in ay soo dedejiso taageerada ay siineyso ciidamada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika si tirada cidamada la geynayo Soomaaliya ay u noqdaan ilaa iyo 12,000 oo askari.

Kulankan hadda waxaa ku sugan Madaxweynayaasha wadamada Kenya Muway kibaki, Uganda Yowoori Musafani iyo kan Sudan Cumar Xasan AL-Bashiir waxaana diirada lagu saari doonaa arimaha ay ka midyihiin xaaladda cakiran ee Soomaaliya iyo aftida loo qadayo dadka reer Koonfureedka Sudan, waxaana saraakiishu shaaciyeen in lagu lafa guri doono kaalinta madaxda dalalkasi ku jira ay ka geysan karaan xalinta mashaakilaadka ka jira Soomaaliya iyo Suudaan

Related Items


Leave a comment