Kenya: Xaafada Islii ee Nairobi oo cabsi amaan daro ka jirto

Wednesday November 24, 2010 - 19:20:37
0 Comments
1345
Super Admin
Xaafada Islii ee Nairobi oo cabsi amaan daro ka jirto mudooyinkii dambe ka dib markii ay soo bilaabatay dilka loo gaysanayo dadka somalida oo ugu dambeyey wiil dhalinyara

Wiilkan dhalinyarad ah oo lagu magacaabi jiray Cali Faarax ayaa xiliga falka dilka ah loo geysanayay waxa uu ka soo baxay gurigiisa oo kuyaal Xafada somalida Islii waxa uuna xilgaasi ahaa safar u sii jeeday magalada Gaalkacyo.

Sida ay ku waramayaan Masuliyiinta xiligaasi qaadayay oo ku sugnaa goobta falka dilka loogu geystay wiilka dhalinyarada ah, waxaana ay ehelada wiilkan ka walaaceen qaabka falka dilka loogu geystay wiilkoda, xili habeen ah abaara aroortii

Marxuub Cali ayaa ku sii jeeday garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata si uu ugu safro eheladiisa Oo ku sugan Magalada Gaalkcyo.

Saacado kadib markii uu falka dhacay ayaa goobta waxaa soogaaray tiro yar oo police-ka Kenya katirsan kuwaas oo kasocday saldhig u dhow goobta uu falka ka dhacay ee Bangani.

Xafada somalida ay ka dagan yihiin dalka Kenya Magalada Nairobi ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay ku sugnaayeen xaalad amaan xumi ah iyadoo tobobaadyadii lasoo dhafay lagu dilay tiro Somali ah.

Falalkan ayaa loo aaneynayaa in ay ka gaabisay Dowlada Kenya adkeynta amaanka somalida iyo deegaanada ay dalka Kenya ka dagan yihiin.

Xiligana waa waqtiga ay dadka kenyanka ah isugu diyaarinayen ubixida sanadka cusub markaas oo ay soo bataan falalka ay kooxaha burcada geysanayaan, iyadoo xiliyadii hore laga caban jiray askarta iyaguna lacago baad ah ka qaadan jiray.

Dowlada Kenya ayaa looga fadhiyaa in ay wax ka qabato xaaladahan adage e xiligan soo wajahay somalida magan galyo doonka ah eek u soo qul qulaya dalkeeda, falalkana waa kuwu soo noqnoqonayay xiliyadii dambe.

Related Items


Leave a comment