Dibad baxyo lagu dalbanayo ansixinta xukumada cusub oo ka dhacay caasumada muqdisho

Thursday November 25, 2010 - 17:27:11
0 Comments
1102
Super Admin
Dibad baxyo lagu dalbanayo ansixinta xukumada cusub oo ka dhacay caasumada muqdisho ayadoo ay markii koobaad ku guuldaraystay xukumada cusub in la ansixiyo ka dib markii baarlamka isku maan dhaafay qaabka loo ansixinayo Xukumada Cusub ee Raisalwasare Farmaajo

Dibad baxan oo ay soo abaabulen ururada bulshada iyo kuwa haweenka ayaa dadkii ka qeyb galayey waxay socod dheer ku soo mareen wadooyinka degmada X/weyne, iyagoo sidoo kale gaaray hotelo ku yaala degmadaasi oo ay degan yihiin qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka, waxayna ku qeylinayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Dooni meyno cod qarsoodi.. dooni meyno dowlad diide iyo kuwa kale

Dibad-baxayasha ayaa markii dambe isugu tegay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaana halkaasi kula hadlay Gudoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan oo sheegtay in Baarlamanka Somalia looga fadhiyo inuu ansixiyo xukuumada cusub haddii kale waxay sheegtay in shacabku oo haweenku ay hor boodayan ay sameyn doonaan kacdoon.

“Al-Shabaab waxay diidan tahay dowladnimada, Baarlamankiina haddii uu diido, maxay Al-Shabaab inoo dhaamaan waa la mid” ayey tiri gudoomiye ku-xigeenka ururka haweenka Soomaaliyeed Marwo Canab Xasan, waxaana banaanbaxaasi uu ku soo beegmay xili Baarlamanka Somalia uu ku fashilmay maalmo ka hor inuu ansixuiyo xukuumada cusub ee RW Farmaajo ka dib markii ay isku mari waayeen qaabka codka kalsoonida loogu qaadayo.

wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir isha wararka

hoos u fiiri




Related Items


Leave a comment