Xulka Kubada Cagta ee qaranka somalia ka dagay Dalka tanzinia

Thursday November 25, 2010 - 21:00:12
0 Comments
4262
Super Admin
Xulka Kubada Cagta ee qaranka somalia ka dagay Dalka tanzinia caasumada Daro-salam
Xulka qaran soomaaliya ee loogu yeero the ocean stars ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay caga dhigdeen dalka tanzania gaar ahaan caasimada dalkaas ee daresalam.

Sida uu shabakadaBurtinletimes u xaqiijiyay wariye soomaali ah oo ku sugan magaaladaas ayaa waxa uu sheekaya in si diiran loogu soo dhoweeyay magaaladaas xulka dalkeena soomaaliya oo ka qeyb gali doono tartanka bariga iyo bartamaha africa oo maalinta sabtida ah ka furmi doono dalka tanzania.

Xulka soomaaliya ayaa waxaa laga war qabaa in labadii bilood ee ugu dambeysay ay tababaro wanaagsan ku qaadanayeen qeybo badan oo ka tirsan dalka qadar iyo jabut

Taratanka ayaa waxaa ka qeyb gali doono ilaa 12-kooxood oo loo qeybiyay ilaa 3group, waxa soomaaliya ay ku jirtaa GA, oo ay ku wheliyaan dalalka tanzania burundi iyo zamnbia,GB, waxaa ku wada jira ivory coast,zudan,zanzibar iyo rwanda, halka GC ay ku jiraan xulka difaacanayo koobka ee uganda lamaanihiisa kenya malawi iyo ethiopia.

Wariye saadaad ahmed gobey ayaa waxa uu si toos ah noogu soo dabin doonaa natiijooyinka ciyaarahaas bilaaban doono sabtida asagoo waliba daqiiqad walba nala socodsiin doono natiijooyinka xulkeena soomaaliya si aqristayaasheena ay uga bogdaan ciyaaraha xulka dalkeena.

Koobkan loo yaqaano CECAFA Senior Challenge Cup 2010 ayaa wali soomaaliya aysan wax guul ah ka soo hoyin tan iyo markii la bilaabay waxa ay eheed markii ugu wanaagsanaa sanadii hore oo ay soomaaliya ka badisay dalka tanzania, waxaa sanadan ka maqnaan doono tartanka dalalka jabuti iyo ereteria oo badalkooda ay ciyaarayaan zambia iyo ivory coast, waxaa aalaa marti galiyo serengetti brewe oo ah shirkat ganacsi oo laga leeyahay dalka tanzania waxaa koobka la soo gabagabeyn doonaa 11-dec-2010.



xig:dynl


Related Items


Leave a comment