Dowladda Sacuudi oo Xirtay Rag ka tirsan Al Qaacidda.

Saturday November 27, 2010 - 12:49:00
0 Comments
1575
Super Admin
Jiddah: Dowladda Sacuudiya Carabiya ayaa sheegtay in dad ay ku xirtay wadankeeda ay tirsanaayeen Al-qaacidada Yemen, Soomaaliya iyo Afghanistan islamarkaana ay damacsanaayeen in qaraxyo ka gaystaan wadankaasi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha gudaha ee boqortooyada Sacuudiga ayaa waxaa uu sheegay Ragga ay xirtay dowladda inay gaarayaan ilaa 19-ruux kuwaasi oo la sheegay in gabi ahaan ay ka kala yimaadeen wadamada Soomaaliya, Afghanistan iyo wadanka Yemen oo ay Al-qaacadada kula dagaalamayaan ciidamada amanka ee dalka Yemen.

“Waan xirnay 19-ruux haatana Xabisaga ayay ku jiraan, Maxkamad ayaa lasoo taagi doonaa, wayna ku guulaysteen ciidamadeena in sida ugu fudud ay talaabo ugu qaadaan kooxo Aargigixida ah” ayuu yiri mar uu la hadalay Wakaaladda Wararka ee Roytaris Afhayeenka wasaaradda arimaha gudaha ee boqortooyada Sacuudiya Carabiya.

Afhayeenka ayaa waxaa uu intaasi ku daray in baaritaano ay ku sii samayn doonaan 19-ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Qaacadda islamarkaana ay damacsanaayeen in weeraro qaraxyo ah ay ka fuliyaan gudaha boqortooyada Sacuudiya.

Boqortooyada Sacuudi Caribiya ayaa Mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa ay waday hardan adag oo ay ugu hortagayso weerarada qorshaysan ee Urur waynaha Al-qaacadda, mana’ahan markii ugu horeysay ee dada loogu shakisanyahay Argigixiso ay ku xirto xabsiyada wadankeeda.

Wixii war ah oo ka soo Kordha kala xariir Isha wararka Xaqiiqada

www.burtinletimes.com


Related Items


Leave a comment