Italy: Nuur Cade oo u hambalyeyey ansixinta xukumada Cusub iyo baarlamka

Sunday November 28, 2010 - 16:46:13
0 Comments
1508
Super Admin
Safiirka Soomaaliya u fadhiga safaaradda Talyaaniga ahna wakiilka Soomaaliya ee Midowga Yurub ayaa soo dhaweeyay kalsooni siinta baarlamaanka dowladda KMG ee golaha wasiirada.

Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde, oo marna R/wasaare ka ahaa dowladda KMG, waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay aadna uu u soo dhaweynayo talaabada uu qaaday baarlamaanka dowladda KMG.

“Waxaan u mahbalyeynayaa baarlamaanka iyo xukuumadda cusub ee R/wasaaraha ka yahay Maxamed C/llaahi Farmaajo,” ayuu yiri Nuur Cadde oo taleefanka ugu waramayay Simba.

“Howlo culus ayaa horyaala xukuumadda cusub oo runtii u baahan dadaal dheeraad ah in loo guntado lagana faa’ideysto waqtiga yar ee haray,” ayuu ku sii daray hadalkiisa.

Nuur Cadde ayaa ugu baaqay xukuumadda cusub ee KMG ah inay adeegsato farsamo si ay uga gudubto caqabadaha ka hor imaan doono, wuxuuna ku booriyay golaha wasiirada inay muujiyaan awood ah in ay wax qaban karaan.

Wuxuu ugu baaqay shacabka in la is kaashado, isagoona ka dalbaday beesha caalamka inay gacan ka geesato dib u soo celinta xasiloonida iyo hanaankii dowladeed ee Soomaaliya.

Related Items


Leave a comment