Nairobi: Midowga Africa oo soo dhaweyey Xukumada Cusub

Sunday November 28, 2010 - 16:53:00
0 Comments
1760
Super Admin
Midowga Africa ayaa aad u soo dhawyey xukumada maxamed c/laahi Farmajo sida ay u ansixiyeey Baarlanka somalia
Ergayga Midowga Afrika u qaabilsanm Soomaaliya Ambassador Boubacar Gaoussou Diarra ayaa guul la taaban karo oo u soo hoyatay dowladda KMG Soomaaliya ku tilmaamay talaabadii shalay xildhibaanada Barlamanka KMG Soomaaliya ay ku ansixiyeen Xukuumada Ra’iisul wasaare Max’ed Cabdullaahi Max’ed.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ambassador Boubacar Diarra ee Magaalada Nairobi ayaa waxaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay midowga Afrika uu si aad ah u sugayay ansixinta Xukuumada cusub, waxaana uu ansixinta Xukuumada ku sheegay inay fududeyn doonto howlaha horyaala mudanayaasha Barlamanka.

Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika ayaa sidoo kale warkiisa qoraalka ah waxaa uu ku sheegay in midowga Afrika uu sii wadi doono taageerida dowladda KMG Soomaaliya.

Ugu damebyntii Ambassador Boubacar Diarra waxa uu ugu baaqay xukuumada cusub ee Ra’iisul wasaare Farmaajo in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabato dhibaatooyinka adag ee ka jira Soomaliya oo ay ugu horeyso xaaladda amaan ee dalka.

Related Items


Leave a comment