Mogdisho: Warbixin ku sabsan kulankii wasiirada ee albabadu u laabnaayeen

Monday November 29, 2010 - 20:38:14
0 Comments
1196
Super Admin
Warbixin ku sabsan kulankii wasiirada ee albabadu u laabnaayeen ee maalin ka hor dhex maray xukumada cusun kulanka ayaa waxaa isku bartay Wasiirada Qurbo joogta u badan waxaana halkaas war bixin kooban gudoon siiyey Raisal wasaare Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo asaga yiri

“Waxaa nalooga baahan yahay dedaal iyo in aynu dardargelino hirgelinta qodobada weli qabyada ah ee Axdiga Qaranka iyo inaanu xooga saarno sida ugu dhaqsaha badan arrimaha soo socda, oo ay ka mid yihiin Amniga, Dib-u-heshiisiinta iyo sidii looga gudbi lahaa sida ugu dhaqso badan dowladda KMG ah” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu kaloo Ra’iisal Wasaaraha mahadnaq u jeediyay Xildhibaanada Baarlamaanka kalsoonidii ay Xukuumadiisa iyo dadweynihii ka koobnaa bulshada qeybeheeda kala duwan ee Banaanbaxyada aan kala go’laheyn ku taageerayay si dowladda kalsooni ay u hesho.

Kolkaa kadib, Ra’iisal Wasaaraha oo hadalka siiyay xubnaha golaha qaarkood waxay sheegeen iyagoo tixraacaya dar daaranka Ra’iisal Wasaaraha inay mas’uuliyadda ugu weyn oo shacabku ka sugayo ay tahay waxqabad muuqda xaga Amniga, siyaasadeeda, dhaqaalaha, iyo Arrimaha Bulshada.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo wuxuu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday Qaramada midoobay oo ay hogaaminayeen Bruno Mpondo-Epo oo madax ka ah xafiiska Siyaasada Soomaaliya ee Q/midoobay iyo Jonathan Sandy oo ah agaasimaha Amniga iyo horumarinta ee Xafiiska Siyaasada ee Q/midoobay.

Wadahadal ay yeesheen labada dhinac waxay isla soo qaadeen sidii loo xoojin lahaa Amniga dalka iyo sidii loo kordhin lahaa tababarka iyo aqoonta xoogaga ku howlan Nabadgelyada iyo Ammaanka dalka oo ay ugu horeeyaan ciidanka Xooga Dalka iyo Booliska.

Mudane Farmaajo wuxuu madaxda Q/midoobay u gudbiyay qorshaha xukuumada oo shirkii Madrid Spain lagu qabtay looga codsaday dowladda Soomaaliya inay muddo 60 cisho ah ku soo gudbiso Qorshaheeda Siyaasad, Dhaqaale iyo Bulsho, gaar ahaana Amniga iyo dib-u-heshiisinta mudadaas oo ku ekeyd isla maalinimadii shirku dhacay

Madaxdaasi ka socotay Q/midoobay waxay kulan la qaateen Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed oo ay ka wadahadaleen si wanaagsana isula qaadaa dhigeen Amniga dalka iyo horumarintiisa iyagoo sheegay in arrimahaasi ay yihiin kuwa ugu horeeya oo laga sugayo fulintooda Xukuumada cusub.

Related Items


Leave a comment