Mogdisho: Wasiirka wasarada Lacagta iyo Hantida Qaranka oo maanta xaflad aad u wacan kula wareegay Xilka wasaarada

Tuesday November 30, 2010 - 18:12:22
0 Comments
3047
Super Admin
Wasiirka wasarada Lacagta iyo Hantida Qaranka oo maanta xaflad aad u wacan kula wareegay Xilka wasaarada asaga oo wasaarada ay noqotay hal mid markii hore halka ay ka ahayd mid ka badan wasaarad kaliya waxaana maanta xilka wasarada la waregay Wasiirka Cusub ee wasarada maliyada Mudane Xuseen Cabdi Xalane
Munaasabadan xil wareejinta ah ayaa maanta wax ay ka dhacday xarunta KMG ee wasaaradda Maaliyada iyo lacagta waxaana halkaasi xilalkii ay hayeen ku wareejiyay wasiirkii lacagta Cllaahi Maxamed Sanbaloolshe iyo wasiirkii hore ee wasaarada qalabeynta hantida Qaranka Maxamed Mursal Sh. C axmaan iyagoo xilalkooda ku wareejiyay wasiirka cusub ee wasaarada Maaliyada iyo lacagta.

Wasiirkii hore ee wasaarada lacagta Sanbaloolshe ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu ka warhayo shaqaalaha wasaaradda isagoo Alle uga baryay in uu la garab galo xilka wasaaradaasi maadaama ay ummadda Soomaliyeed ay isha ku heyso wasaaradaasi.

Wasiirkii hore ee wasaarada qalabeynta hantida Qaranka mudane Maxamed Mursal ayaa wasiirka warbixin ka siiyay howlaha wasaaradda isagoo tilmaamay in uu jiro guri ay leedahay ummadda Soomaliyeed oo ku yaala Kenya kaasi oo hada muran ka taagan yahay hase ahaatee ay rajeynayaan in mar dhow uu ku soo laabto gacanta DKMG Soomaliya.

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Maaliyada iyo lacagta mudane Xuseen Cabdi Xalane ayaa balan qaaday in uu sii dardar gelinaayo howlaha wasaaradda.

Related Items


Leave a comment