Galkacyo: Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Dagaal beeleedka ka socdo Deganada Mudug ay in ka dambayso Maamulka Puntland

Tuesday November 30, 2010 - 18:34:07
0 Comments
1193
Super Admin
Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Dagaal beeleedka ka socdo Deganada Mudug ay in ka dambayso Maamulka Puntland dagaalkaas oo u dhexeeya beelaha kala daga waqooyiga iyo koonfurta magalada Galkacyo ee Gobolka Mudug
Ka dib dagaal qasaaro dhimasho iyo dhaawac ka tagay oo ka dhacay duleedka magaalaga Gaalkacyo, waxaa saaka degan xaaladda halkaasi waxaana dagaalkaasi ka waramay maamulka Gal-Mudug.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Gal-Mudug Axmed Baasto ayaa ku eedeeyay dagaalkaasi inuu ka dambeeyo maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay Axmed Baasto inay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Puntland meesha dagaalka uu ka dhacay ayna ku laayeen dad rayid ah.

“Ujeedadaasi waxaan u arkeynaa dagaal qaldan oo uu soo qaaday maamulka Puntland,” ayuu yiri Axmed Baasto isagoona si kulul u cambaareeyay dagaalka.

Wuxuu ugu baaqay maamulka Puntland inuu ka bixiyo raali gelin buuxa dagaalka uu ku eedeeyay inuu qaadayo mas’uuliyaddiisa.

Ma jiro wax war ah oo maamulka Puntland ka yiri dagaalka lagu eedeeyay inuu mas’uul ka yahay ee ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Related Items


Leave a comment